Entry: Qiso cajiib oo dhexmartay khalifkii cadilka ahaa ee cumar ibn cabdul cazil iyo mid ka mid ah shaqalihiisa Monday, August 24, 2009



Qiso Cajiib ah: Khaliifkii caadilka ahaa ee Cumar Ibn Cabdul Caziz (rc) ayaa habeen seexan waayay kulayl dartii, wuxuuna ku noolaa guri daciif ah, asaga oo sida la-ogsoon yahay diiday inuu dago qasrigii kuwii ka horeeyay ay dageen, Markaas ayaa shaqaale la noolaa isaga bilaabay inuu babiyo si uu kulaylka jira wax uga taro.

Amiirkii Muslimiinta ayaa qabow yar dareemay kadibna seexday. Hase yeeshee shaqaalihii ayaa daalay, kadibna hurda ka tanbadatay, indhahana is galshay.

Cumar (rc) ayaa soo toosay, arkayna inuu shaqaalihii seexday. Markaas ayuu bilaabay inuu babiyo, Shaqaalihii ayaa cabaar kadib soo toosay, isagoo arkay in Amiirkii Muslimiinta babinayo.

Markaas ayuu naxay, halmarna istaagay. Cumar (rc) ayaa ku yiri "Adigaba Noole baad tahay. Markaan rabay inaan seexdo waad I babisay si aan qabow u dareemo, markaad adiga

seexatayna aniga ayaa ku babiyay si aad qabow u hesho.
Ma dhib baa taas ku jirto'?

Fiiro: hadaba intee naga mid ah ayaa sidaasi naxariista ku jirto ula dhaqanto shaqaalaheenna?

Ayaga oo daallan ayaa laga yaabaa inaan kusii qaylinoo, dhib kale u gaysano iyo wax yaale kale.

Ilaahay (sw) halaga xishoodo oo aan naxariis tusno inta tabarta yar ee na hoos timaada.

   0 comments

Leave a Comment:

Name


Homepage (optional)


Comments