Entry: Been ha sheegin. ka fa,ideyso shekadan!!! Monday, August 24, 2009



Arrimaha Diinta: Nin ayaa maalin u yimid Rasuulka (scw) waxa uu yiri. Rasuul aloow waxa aan sameeyaa waxyaalo badan oo xun xun hadaba teebaan ugu horeesiiyaa oo aan iska  daayaa? Rasuulka (scw) waxa uu ku yiri jooji in aad been sheegtit oo waligaa runta sheeg.  

ninkii balan ayuu ku qaaday inuu in uu sidaas yeeli doono gurigiisii ayuuna aaday.  markii habeenimadii ay noqotay ayuu damcay inuu wax xado. markaas ayuu soo xasuustay balantii uu Rasuulka (scw) la soo galay. waxa uu markaas is-wayddiiyay.

Haddii subaxdii uu Rasuulka (scw) i waydiiyo xagee ayaad jirtay maxaan ku dhihi? ma waxaan ku dhihi waxaan aaday in'aan wax soo xado? maya  saas ma dhihi kar, laakiin been masheegi karo. haddii aan runta sheegana dadka oo dhami waa ay inici waxayna iigu yeeri tuug. waxaana la'igu xukumi xukunka tuuga oo gacantaa la iga jari.
 
ninkii waxa uu go'aansaday habeenkaas in uusan wax xadin halkaas ayuuna isaga daayay dabeecadii xumayd ee tuugnimada.
 
maalin ayuu damcay in uu khamri cabo. markaasuu isla hadlay oo yiri oo maxaan ku dhihi bari haddii uu Rasuulka (scw) i waydiiyo maxaad maanta samaysay? Been ma sheegi karo haddii
aan runta sheegana  dadku waa ay inici. waayo qofka islaamka ah looma ogola in uu khamriga cabo.
 
Sidaas ayuu ninkii markuu damco in uu wax xun sameeyaba uu u soo xasuusanaayey balantii ahayd in uu runta sheego. halkaas ayuuna mid mid uga takhalusay wax-yaabihii xum-xumaa oo dhan ilaa uu ka noqday islaam wanaagsan iyo shaqsiyad wanaagsan.
 
ALLE KOR AHAAYE wuxu yiri kuwa xaqa rumeeyoow! dhowra xilka iyo waajibkuu Alle idin saaray, oo ka mid ahaada run sheegeyaasha suuradda at-towba: Aayaada 119-aad
 
Cabdullaah ibnu mascuud (RC) waxa laga soo xigtay in nebiga (SCW) yiri : Runta waxay kugu hoggaamisaa dhabbaha samaanta iyofalalka suubban. samaan falidduna waxay xaartaa jidka uu qofku u mari lahaa jannada. Markii uu qofka caadeystana inuu ku hadlo run waxaa Alle agtii looga magacaabaa runlow. beentana waxay kugu hoggaamisaa xumaanta, xumaantuna waxay kugu hoggaamisaa wax xille falid iyo faajirnimo. markii uu qofku been caadeystana waxaa Alle agtii looga magacaabaa Beenlow" Bukhaari iyo Muslim.
 
Abuu Muxamed al-xasan ibnu cali (RC) wuxu sheegay inuu ka bartay ereyadan soo socda Nabiga (SCW) ka tag wixii aad ka shaki santahay, oo raac wixii aan ku jirin laheynna shaki.
maxaa yeelay runta waa raaxo qalbiga uu ku dego, beentuna waa wel-wel iyo welbahaar.

Tirmidi Wuxuuna yiri waa xadiis saxiix ah.
 
Marka walaalayaal waxaan idinkula dardaarmaayaa in aad runlowyaal noqotaan oo aad ku jihaadaan naftiina iyo shaydaanka.
 
Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu xaqa nagu sugo runlowyaalna naga dhigo oo nala soo saaro maalinta qiyaamaha sidiiqiinta iyo shuhadada. aamiin aamiin aamiin

   0 comments

Leave a Comment:

Name


Homepage (optional)


Comments