Entry: isa sax adiga intadan dadka sixin, sheko xikmad leh ka fa,ideyso!!!!! Monday, August 24, 2009



Sheeko Cajiib ah: Maalin ayaa afar nin aaday Masjidka. Kadib nin walbo wuxuu bilaabay inuu tukado salaadii sunada. Kadib intay ku jireen salaadii sunada ayaa waxaa soo galay Mu'adhinkii oo bilaabay inuu aadaamo.

 Mid ka mid ah afartii nin ayaa ayaga oo salaada ku jiro ku yiri Mu'adhinkii:

“Mu hubtaa in wakhtigi aadhaanka la gaaray”? Ku kale oo asna salaad ku jiray ayaa yiri:

 “War lama hadlo ayada oo la tukanayo. Hada salaadaadii waxba maka jirto.” Ku sedexaad ayaa isna kadab yiri kii labaad:

“Maxaad adigaba u hadlaysaa adiga oo tukanayo? Adigana salaadii waa kaa burtay.

” Ki afaraad oo asna salaada ku dhexhadlay ayaa yiri: “Ilaahay baa mahad leh. Aniga doodooda kama qayb galin.”

Faa'iido: Ha sixin dadka adiga oo khaldan. Cidan wanaag ha u sheegin adiga oo khaldan.

Inkastoo afartan nin damceen inay wax saxaan, hadana mid walbo wuu khaldanaa,

walibana midba midka ka danbeeyo ayuu kasii

khaldanaa.

   0 comments

Leave a Comment:

Name


Homepage (optional)


Comments