Entry: Qiso gaaban, Nin gaal ah oo donayey in uu ceebeyo Cali bin abii dhalib balse fashilmay. Monday, August 24, 2009



Qiso Cajiib ah: Nin gaal ah ayaa maalin u yimid Cali Ibn Abi Daalib (R,A)  asaga oo rabo inuu waydiiyo su’aal, sna leh su’aashaasi way ku adkaan doontaa  Cali. Wuxuu fiirsaday Cali oo la joogo dad badan, markaas ayuuna doortay inuu su’aasha waydiiyo, si hadii Cali ku dhoco su’aashaadi uu u ceeboobo.

Ninkii ayaa Cali waydiiday inuu sheego nambar hadii loo qaybiyo nambar u dhaxeeyo 1-10, ay jawaabta noqonayso mid dhaban ah, oonan kisi ahayn. Cali ayaa ku jawaabay.

‘Maal-maha sanadka ku dhufo maal maha UsbuUca, waxaadna heli jawaabta aad I waydiisay’.

Ninkii ayaa yaabay, kadibna bilaabay inuu xisaabtan galo si uu u ogaado inay sax tahay jawaabta Cali iyo in kale.

La yaab ayay ku noqotay inuu Cali sheegay jawabatii uu rabay. Maxaa yeelay sanadkii wuxuu leeyahay

360 maaL-mood (waa sida calenderka carabiga tusinayee). Usbuucana wuxuu leeyahay 7 bari. Hadii labadooda

la isku dhufto (360 x 7= 2520). Markaas hadii 2520 loo qaybiyo nambar u dhaxeeyo 1-10 sida su’aasha ahayd, waxay noqonaysaa sidatan:

2520 loo qaybiyay 1 = 2520
2520 loo qaybiyay 2 = 1260
2520 loo qaybiyay 3 = 840
2520 loo qaybiyay 4 = 630
2520 loo qaybiyay 5 = 504
2520 loo qaybiyay 6 = 420
2520 loo qaybiyay 7 = 360
2520 loo qaybiyay 8 = 315
2520 loo qaybiyay 9 = 280
2520 loo qaybiyay 10= 252

Ninkiina meesha ayuu ku ogaaday Jawaabta cali uu ka bixiyey iney tahay 100% mid sax ah.

Hadaba meeshaan waxaa laga qaadan karaa qofka Alle isku xiro marnaba inaanan waxba laga qaadi kareen, Sidoo kale haddii aad ilaaliso wax yaabaha uu Alle dushaada dhigay, Alle-na uu ku dhawri doono Adduun iyo Akhiraba.

   2 comments

Jordan 2012
April 11, 2012   02:52 AM PDT
 
So cute! I already like you on FB and also get your posts on Google Reader. :),067087,http://suni334.blogdrive.com/archive/10.html
mohamed
September 22, 2011   08:04 AM PDT
 
maasha alaah waa qiso aad iyo aad u cajiib ah ilaaheey ninkii ku xirma sheydaan makusoo dagdagi karo.

Leave a Comment:

Name


Homepage (optional)


Comments