Our Guide Is The Quran.

<< August 2009 >>
Sun Mon Tue Wed Thu Fri Sat
 01
02 03 04 05 06 07 08
09 10 11 12 13 14 15
16 17 18 19 20 21 22
23 24 25 26 27 28 29
30 31


If you want to be updated on this weblog Enter your email here:



rss feed



Monday, August 24, 2009
Qiso gaaban oo cajiib ah oo dhexmartay nin muslim ah iyo nin yahuudi ah.

Qiso Cajiib ah: Maalin ayaa waxaa nin Yahuud ah ka lumay fargashi dahab ah, oo qaali ah. Waxaa helay nin Muslim ah, meel  ayuuna dhigay. Kadib markuu ogaaday inuu nin Yahuud iska leeyahay faraantiga qaaliga ah ayuu ninkii soo doonay Yahudiidigii, siiyayna faraantigisii.

Ninkii Yahuudiga ahaa ayaa waydiiyay Muslimka inuu ogyahay qiimaha uu ku fadhiyo faraantiga. Haa ayuu ku jawaabay. Ninkii Yahuudiga ahaa ayaa Muslimka ku yiri, ‘balse faqiir ayaad tahay’, waan ogahay ayuu Muslimka ku jawaabay.

Yahuudkii ayaa hadana Muslimka ku yiri: “Ma ogtahay hadaad gadan lahayd faraantigan, inaad noloshaada ka bixi lahayd faqri?”

Haa ayuu ku jawaabay hadana.

Yahuudigii ayaa yiri hadana: “Maskaxdaada masoo gashay inaad gadato faraantigan maadaamo nin Yahuudi ah uu leeyahay”?

Maxaa keenay inaan saas u fikiro ayuu ku jawaabay Muslimkii.

Hadaba maxaa kugu keenay inaad faraantigan ii keento aniga oonan ogayn inaad adiga haysid, ayuu Yahuudigii waydiiyay ninkii Muslimka ahaa.

Muslimkii ayaa ku jawaabay:


“Maalin Qiyaama ah inay jirto ayaan aaminsanahay.

Maalinta Qiyaamo nabigayga oo Muxammad ah (NNKH) iyo nabigaada Musa (CS) ayaa is garab fariisan doono. Waxaad u dan sheegan doontaa nabigaada adiga oo ku calaacalayo inuu nin Ummatu Muxammad ah kaa xaday alaab. Nabigaada ayaa u dan sheegan doono nabigayga, nabigaygana markaas jawaab uma heli doono arintaas.

Sidaasi darteed ayaan kuugu keenay, si aan maalinta Qiyaamo u ilaaliyo xurmada Nabigayga (NNKH).


Posted at 07:13 pm by xaashiyare

 

Leave a Comment:

Name


Homepage (optional)


Comments




Previous Entry Home Next Entry